Ali Iqbal | Substack

Ali Iqbal

Arday.

Launched 8 months ago

Ali Iqbal

Ali Iqbal

@aliqbal8

Arday.

Ali Iqbal

132 subscribers

ActivityPostsLikes & RepliesReads (146)

Ali IqbalMay 22

Alla maalintaasi cajiibsanaydaa! \ \ Dharaari ima soo marto, illaa shaashadda xasuustayda baa ay ayaantaasi hortimaadaa. Isma lihi waad iloobi doontaa sidii aan u harraadanaa, u gaajoonayay, u darxumaysnaa, oo goor boggu isku dhegi lahaa uu saaxiibkay iga soo gaadhay, gurigiisana uu ii qado-geeyay.\ \ Ali Iqbal

Ali Iqbal restacked

Ruben Hassid

Apr 25

Instead of watching Netflix tonight.

Spend a day mastering Claude here: claude101.com

_

→ Level 1 - 24 min: The basics.

4.7K

43

604

Ali IqbalMay 20

Addoonsiga ugu dhibka yari waa midka gumeystuhu kuugu yeedho "Addoonkaygaw", dhangadna uu hurdada kaaga kiciyo, amardiido haddii uu kaa dareemana madaxaaga uu ku hordhigayo! Halka nooca gumeysi ee ugu xun uu yahay midka qofka addoonka ahi aanu dareemayn addoonnimadiisa, ee saaxiibtinimo iyo adduun baas lagaga gadanayo ciddii uu ahaa iyo xornimadiisii!

Ali IqbalMay 19

Weligaa Aabbe ha noqon!

Toddoba jir baan ahay. Nin baan noqday, oo qol nalkiisu damsan yahay baan keligay seexdaa. Saddexda hablood ee iga weynna, aniga ayaa mas'uul ka ah, hooyo wax ay uga baahato dukaankana waan uga soo iibiyaa... Hawlahaas oo idil waan ka soo dhalaalay, iyada oo cid ii dirsatay aanay jirin.

Hal shey baan se tebayaa... …

Ali IqbalMay 13

Maxaa innoo diidaya barashada luuqadaha?

Wadiiqo kasta oo la maraa dhagxo lagu turanturoodo iyo qodxo ku mudda ba waa ay ka buuxaan. Haddii jimicsiga aad bilawdo, kolka hore culeys badan baad kala kulmaysaa. Shaqo cusub haddii ay kuu soo baxdo, in aad isla markii ba ka soo dhalaashaa waa ay adag tahay. Nolosha oo idil baa sidaas ah!

Hadda ba, waxa aynu isweydiin karnaa maxaa ay yihiin waxyaabaha innaga hortaagan in aynu afafka baranno?

  1. In aad ka cabsato qaladka naxwaha ama dhawaaqyada adag ee a…

Ali IqbalMay 11

Gebilay; magaalada boqorku u dalxiis tago bilaha fasaxa!

Boqorradii caalamka iyo kuwa maanta joogaa ba wax ay ka siman yihiin waxyaabo badan oo dawladnimada saldhig u ah. Sidoo kalena, waxa jira arrimo soo hoos gelaya dhamaystirka dawladnimada, oo qofka talada haya la gudboon in uu hirgeliyo, si xilka saaran uu u gudan karo sida ugu hab…

Ali IqbalMay 10

Halkee baan ka bilaabaa barashada luuqadda?

Af kaste wuxuu leeyahay saddex kayd.

Haddii aad si fiican u dhogato saddexdan kayd, waxa kuu fududaanaya in luuqadda aad baranaysid meel ugu hagaagtid, oo awood u yeelatid in aad wax ku akhrido; waxna ku qortid, muuqaalkii kaa soo horbaxana si waafi ah uga bogatid; ku hadalkeeduna aanu ku dhibin.

Waa kuwan saddexda waaxood:

  1. Kaydsuugaaneed (Classical / Literary):

Afkan ama kaydkan waa mid inta badan ku dhitaysan buugaagta suugaanta iyo taariikhda, oo wa…

Ali IqbalMay 9

Ma rabtaa in aad si fiican u barato af qalaad? - hadda si dhakhso ah iyo si fudud midna ma odhan!

Keliya jeclow luuqaddaas, waxyaabaha xiisaha kuu lehna ku qabso, oo ku isticmaal; dhagaysiga suugaanta. Daawashada waraysiyada, wararka, ciyaaraha, filimada, ama barnaamijyada. Akhrinta sheekofaneedyada, qormooyinka, buugaagta…. Adiga ayaa iga yaqaan waxa aad xiisayso.

Ka dibna, deegaankaaga-qofeed ku weegaar luuqadaas; haddii uu yahay gidaarrada qolkaaga, albaabka gurigaaga iyo applications-ka moobi…

Ali IqbalMay 8

"Sawirqaadaha ayuun buu ahaa kii iga dalbaday in aan dhoolacaddeeyo, dabadeedna lacag buu iga qaaday!"